WARARKA SOOMAALI

Khatumo Diaspora Organization oo warsaxaafadeed & Qayladhaan ka soo saaray Cunaqabataynta Puntland ee Deegamada Khaatumo.

WAR SAXAAFADEED KA SOO BAXAY GOLAHA SARE EE JAALIYADAHA KHAATUMO KDO
 
 
Og: Dawladda Federaalka
Soomaaliya
Ku:Dawladaha IGAD
Ku:Dawlada Mareykanka
Ku:Dawladaha EU
Ku:UN
Ku:Dawladaha carabaha
 
Jaaliyadda guud ee Khaatumo Diaspora KDO waxa ay cambaareyneysaa falkii waxashnimada lahaa ee Maamulka Puntland kula kacay bulshada reer Khaatumo ee u tabaaleysan cudurka shuban biyoodka iyo abaarta. Taariikhdu markii ay ahayd 19.04.2017 maamulka Puntland waxa uu is hortaageyt diyaarad ay la socdeen wefti hay’addaha FOA, WHO, oo toos uga soo degi lahaa magaalada Buuhoodle ee Khaatumo State of Soomaaliya. Maamulka Puntland waxa uu diyaaraddii sidey weftiga ku khasbay inay ku soo hormarto Garoowe, sida uu sheegey ninka Maamulka Puntland ugu maacaaban Madaxweyne ku xigeen oo la yiraahdo Abdihakim Haji Abdulahi Haji Omar Camey, oo maalin nimadii Arbacada 19.04.2017 mediyaha ka sheegay “Diyaarad aan Puntland Fasax ka haysan magaalada Buuhodle Ma Tagi karto”
 
Waxa aan dawladda Federaalka Soomaaliya, dalalka daneeya Soomaaliya iyo Hay’addaha caalamiga la socodsiineynaa in:
 
1. Maamulka Puntland uu caadeystey in uu is hortaago waxii macaawimo ah ee ku socda bulshada khaatumo ee ku tabaaleysan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay sameeyeen Abaaraha iyo Xanuunka Shuban biyoodku.
 
2. Maamulka Puntland uu maanta oo adduunweynihii usoo gurmaday bulshada reer khaatumo masiibada cudurka Shuban Biyoodka iyo Abaaraha baahsan ee ka jirta darteed uu is hortaagay wax alla waxii waxtar ah ee u socda bulshada Khaatumo
 
3. Maamulka Puntland uu bulshada Khaatumo ku hayo argagax iyo cunaqabateyn muddo dhowr iyo toddan sanno ka badan, maanta markhaati u tahay weftigan uu isku dayey inaysan tegin magaalada Buuhoodle ee Khaatumo State of Soomaaliya
 
Waxa aan dawladda Federaalka Soomaaliya, dalalka daneeya Soomaaliya iyo Hay’addaha caalamiga ee u dooda xuquuqda bini’aadanimo ugu baaqeynaa:
 
1. In hogaanka Puntland oo weliba haysta dhalasho Mareykan ah maxkamad lagu soo saaro tacadiga iyo argagaxa ay ku hayaan bulshada reer Khaatumo
 
2. in laga hortago Maamulka Puntland oo bulshada reer Khaatumo u muujiyey cadowtinimo bini’aadanimada ka baxsan oo horey looga aqoon Geeska Afrika
 
3. in maamulka Puntland lagula xisaabtamo xaqii bulshada reer Khaatumo ee ay guranayeen 19kii sanno ee maamulkani jirey.
 
Mahadsanidin
Wada shaqayn wacan
Hogaanka Guud ee Jaaliyadaha Khaatumo
KDO

SOMALI NEWS

To Top