WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo ka qeyb galay shirka Shidaalka Africa

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika uga qeyb galay shir heer caalami ah oo looga arrinsanayay arrimaha shidaalka Africa.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in shirka arrimaha shidaalka Africa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in shirka lagu lafa-gurayo sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 40 wasiir oo ka kala socda dalalka Africa iyo 400 qof oo ah madaxda shirkadaha soo saaro shidaalka.

“Anaga ahmiyad gaar ah ayuu noolahaa shirkan, waxaa looga hadlay sida Africa ay isugu filnaan karto dhinaca tamarta iyo sidii aan ku soo jiidan-aheyn, dad maal gashto kheyraadka dalkeenna ku jira” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Shirkan ayaa ah madal ay ku kulmaan maalgashadayaasha caalamiga, shirkadaha soo saara batroolka iyo madaxda dalalka lagu tuhmayo kheraadka dabiiciga ah ee Africa, sida Soomaaliya.

Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo ka qeyb galay shirka Shidaalka Africa
To Top