WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo Bandow kusoo rogtay Baladweyne & Ciidamo lagu arkayo

Laamaha ammaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa Bandow kusoo rogay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha Booliska Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegeen in Bandowan uu yahay mid ay kaga jawaabanayaan weeraradii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay xerada lamagaalay oo ku yaallaan dhammaan xafiisyada Hirshabeelle ee Hiiraan.

Dad ku sugan magaalada oo la hadlay warbaahinta Harufadhi Media ayaa u sheegay in inta badan magaalada Beledweyne lagu arkayo Ciidamo farabadan, kuwaas oo ku howlan sugida Amniga iyo xaqiijinta Amniga.

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dad Shacab ah, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada ugu culus la keenay Magaalada Muqdisho.

Hirshabeelle oo Bandow kusoo rogtay Baladweyne & Ciidamo lagu arkayo
To Top