WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo saaka dib ula wareegay degaan ay isaga baxeen

Ciidanka xoogga dalka iyo Ciidanka deegaanka ee loo yaqaano macwiisleyda ayaa arroonimadii hore ee saaka la wareegay gacanta ku heynta deegaanka Yasooman oo hoostega degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dhawaan ka baxeen Ciidanka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa soo weriyey in Ciidanka oo wada gaadiidka nooca dagaalka ay la wareegeen deegaanka Yasooman, isla markaana haatan ay halkaas ku sugan yihiin, ayna Ciidanka dowladda ka wadaan howlgalo miino baaris ah.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in dhawaan xeelad ciidan uga baxeen Yasooman, balse ay dib ugu soo laabteen oo aysan mar kale ka bixi doonin, uuna sii soconayo howlgalka.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor qabsaday deegaanka Yasooman ee hoostega degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, kadib markii Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay isaga baxeen deegaanka iyo deegaano dhowr ah.

Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ayaa weli ka socda qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan, isla markaana waxaa dhacay dagaal xoogan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada.

Ciidanka Dowladda oo saaka dib ula wareegay degaan ay isaga baxeen
To Top