WARARKA SOOMAALI

Ciidamo farabadan oo ka baxay Muqdisho & Abaabul ka socda Sh/Dhexe

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya oo saacadihii lsoo dhaafay ka baxay magaalada Muqdisho ayaa saqdii dhexe ee xalay gaaray magaalo xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada oo wada gaadiidka nooca dagaalka oo aad u badan ayaa waxaa hoggaaminaya Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka iyo Saraakiil Ciidan, kuwaasi oo maalmihii dambe Muqdisho ka waday abaabul dagaal.

Ciidankan iyo ciidamo kale oo horey ugu sugnaa deegaano iyo degmooyin katirsan Shabeellaha Dhaxe ayaa bilaabaya guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ee ku sugan qeybo badan oo kamid ah Gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Ciidamadan ka baxay magaalada ayaa wararku sheegayaan in ujeedkoodu yahay in Al Shabaab ka saaraan Shabeellaha Dhaxe gaar ahaan degmada Aadan Yabaal oo la tilmaamay in uu yahay fariisinka ugu weyn Al-shabaab ee Hirshabelle.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay in ay isku furaan magaalada Muqdisho iyo Xarardheere, ayna ka saarayaan Al-shabaab guud ahaan deegaanada ay ka joogaan Shabeellaha Dhaxe.

Ciidamo farabadan oo ka baxay Muqdisho & Abaabul ka socda Sh/Dhexe
To Top