WARARKA SOOMAALI

Maareeye ka tirsan DFS oo shaqadii laga joojiyey & Eed culus oo loo jeediyey

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Wareegto kasoo baxday Wasiir Fiqi ayaa shaqada looga joojiyey Maareeyaha Hay’adda Diiwaangelinta, wuxuuna sidoo kale xilka Maareeyaha Hay’adda si KMG ah ugu magacaabay Ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Mukhtaar Qooraansey ayaa waxaa lagu eedeeyay inay wadashaqeyn la’aan kala dhexeeysay Hay’addaha dowladda ka caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga dadweynaha, iyo wadashaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta.

Hoos ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Wasiir Fiqi.

Ku: Maareeyaha Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Ku: Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed

Og: Wasir Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Og: Wasiir Ku Xigenka Wasaarada Arrimaha Guddaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisinta

Og: Ra’iisul Wasaaraha XFS

Ujeeddo: Shaqo ka joojin

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta;

Markuu arkay: Qodobka102aad ee Dastuurka KMG ee JFS.

Markuu Arkay Sharci Lr.30 ee 30 Juun 1984kii ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Markuu arkay: Qodobbadda 8aad iyo 10aad ee Sharciga Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed.

Markuu arkay: Shaqo Xumida Maareeyaha Hay’adda ee kala dhaxaysa Hay’addaha naga caawin lahaa dhaqangelinta Aqoonsiga Dadweynaha,

Markuu arkay: Wada shaqeyn la’aanta joogtada iyo Daahfurnaan la’aanta dhanka shaqada ah ee uu Maareeyuhu caadaystay.

Markuu Arkay in Maareeyuhu Caqabad uu ku yahay Fulinta iyo Dhaqangelinta hawsha Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha oo ka mid ah hawlaha hortabinta u leh XFS.

Markey Cadaatay: in Maareeyuhu uu gacanta kula jiro hawlo ka baxsan hawlihii loo igmaday ee Hay’adda.

Markuu tixgeliyay: baahida loo qabo in la abuuro Jawi ku dhisan wada shaqeyn, Daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo in la socodsiiyo, lana dardargeliyo mashruuca Aqoonsiga Dadweynaha.

Wuxuu xeeriyay:

Qodobka 1aad:

Laga bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 04/10/2022 waxaa shaqo ka joojin si ku meelgaar ah loogu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed Mudane: Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey).

Qodobka 2aad:

Waxaa hawlaha Shaqada Hay’adda si kumeelgaar ah usii wadaya Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda oo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha kale ee Hay’adda.

Fulin Wacan

Maareeye ka tirsan DFS oo shaqadii laga joojiyey & Eed culus oo loo jeediyey
To Top