WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo Amar culus dul-dhigtay Shirkadaha Duulimaadyada dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada ee ku bahaysan daladda SATA ku amray joojinta nooc kasta oo macaamiil ah ama lacago ah oo la siiyo Al-shabaab.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Al-Shabaab, wuxu kulan la qaatay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada oo ku bahaysan daladda SATA.

Wasiirka ayaa  shirkadaha ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab, waxaana uu u sheegay in arrintani tahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana ciddii fulin wayda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in marna ba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale, ganacatada ku bahoobay daladda Adeegyada Duulimaadyada ee SATA oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay inay u hoggansamayaan awaamiirta ka soo baxday dhinaca dawladda.

Shirkan oo Wasiirka ay ku wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdicaziz Ibraahim Aadan, ayaa iyagu dhankooda adkeeyey go’aamada ka soo baxay dhinaca Wasaaraddu in aanay ahayn kuwo ka noqosho leh isla-mar-ahaantaana uu ujeedkoodu yahay siddii xididada looggu siibi lahaa dariiq kasta oo ay lacago ku hesho Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab.

Dowladda Somalia oo Amar culus dul-dhigtay Shirkadaha Duulimaadyada dalka
To Top