WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka oo hal Arrin u tagay Magaalada Baladweyne

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineeyso ayaa maanta Beledweyne usoo gaaray dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.

Wafdiga wasiirka ayaan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada Hirshabeelle Salaad Wehliye Xildhibaan Cabdirsaaq Macalin Ciid oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi aay hoggaamineysay ayaa kormeeray qeybha uu ka koobanyahay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif gaar ahaan qeybta diyaaradaha ku ordaan oo bur-burka ka muuqda aawgiis halis ugu jiryo  garoonka in uu xermo.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in maalmo kaddib wajigii koobaan ee dhismaha garoonka uu billaabay doono aayna hakin doonaan diyaaradaha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo aay wehliyaan Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa gunta dhiisha isaga dhigay dhismaha garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne, oo dhawaan loo dhisi doono qaab lamid ah garoomada Caalami ah.

Wafdi ka socda Xukuumadda Federaalka oo hal Arrin u tagay Magaalada Baladweyne
To Top