WARARKA SOOMAALI

DEGDEG: Balloonkii Basaaska ahaa oo lagu qarxiyey Hawada Sare ee Mareykanka

Muuqaal yar (Video clip) oo lagu baahiyey Baraha Bulshada iyo Warbaahinta Maraykanka ayaa muujiyey Qarax weyn oo ka dhacay Hawada Sare ee Gobalka Montana ee dalkaasi.

Malaayiin qof oo ku nool magaalada Billings ee Gobalka Montana ayaa isugu soo ururayey, si ay u daawadaan qaraxaasi.

Shabakadda Wararka Sputnik ayaa sheegtay inuu Qaraxaasi dhacay, kadib, Duullimaadkii Buufinka ama Balloonka Shiinaha ee lagu arkay Hawada Sare ee dalka Maraykanka.

Wargeyska Daily Mail ee dalka UK waxa uu ka soo xigtay goobjooge Dolle Moore oo duubtay Muuqaalka dhex wareegayo Baraha Bulshada inay arkeen Diyaarad xawaare sare ku duulaysay, kadibna waxaa dhacay Qarax weyn.

DEGDEG: Balloonkii Basaaska ahaa oo lagu qarxiyey Hawada Sare ee Mareykanka
To Top