WARARKA SOOMAALI

MW Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray Ciidamo loo diyaariyey sugida Amniga

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta tababar u soo xiray  dufcada lixaad ee Ciidamada Booliska Jubaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo Booliska Sida gaarka ah u tababar ayaa gaaraya 150 askari iyadoo maanta tababarka loogu soo xiray Akadeeniyada Ciidanka Booliska Jubaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay Al-shabaab ah ee howglgalka ka dhanka ah ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo ciidamada xooga dalka.

Howlgalka lagu xoraynayo deegaanada Jubaland ee dhawaan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay Deegaanada Aw qumbaale, shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa Cabdalle iyadoo Ciidamadan ay durba ka howlgali doonan deegaanadaas ay xoreeyeen Ciidamada qalabka Sida.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islama ayaa sheegay in howlgalada bilowday ay sii socon doonan isla markaan laga xorayn doono dhammaan deegaanada Jubaland gaar ahaana Magaalada Caasimada ah ee Bu’aale wakhtiyada dhow.

MW Axmed Madoobe oo tababar usoo xiray Ciidamo loo diyaariyey sugida Amniga
To Top