WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska DFS oo Maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasanadda xil wareejinta ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab.

Xijaar ayaa waxaa uu xusay in ciidanka Booliska ah laga geeyay Aadan-yabaal, Cadale, Masaajid Cali Guduud, Ruunir-good iyo Cadow Uul, isagoona tilmaamay in ciidamada halkaas loo diray ay yihiin kuwo loogu tala-galay inay sugaan amniga.

Wuxuu intaas kusii daray in waxyaabo badan Taliska ciidanka Booliska u qabsoomeen inta uu haayay xilka. Taliyihii hore ee ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub ee Booliska Jen. Sulub Axmed Firin.

Sidoo kale, taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

DAAWO: Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska DFS oo Maanta xilka la wareegay
To Top