WARARKA SOOMAALI

Mareykanka & Shiinaha oo ka wada hadlay Balloonka Basaaska ahaa ee la arkay

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken ayaa waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Shiinaha, Wang Yi, isagoo ku wargeliyey inuu hakiyey safarkii uu ku tegi lahaa magaalada Beijing, sababo la xiriira Balloonka Basaaska Shiinaha ee lagu arkay Hawada dalkiisa.

Blinken ayaa waxa uu u sheegay Wang Yi in joogitaanka Balloonka Basaaska ee Hawada Maraykanka ay tahay Xadgudub Cad oo lagu sameeyey Qaranimada Maraykanka.

Waxa uu intaasi ku daray inuu hakiyey Qorshihii socdaalkaasi iyo inay Wada-tashi ka leeyihiin arrinta Balloonka iyo Safarkiisa.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Shiinaha,  Wang Yi ayaa waxa uu Blinken u sheegay inuu dalkiisa yahay Waddan mas’uul ah oo xushmeeya Sharciga Caalamiga.

Si kastaba,  Socdaalka la haliyey ee Anthony Blinken ku tegi lahaa Caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing waxa uu noqon lahaa Safarkii u horeeyey ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ku tago dalkaasi tan iyo sanadkii 2020-kii .

Mareykanka & Shiinaha oo ka wada hadlay Balloonka Basaaska ahaa ee la arkay
To Top