WARARKA SOOMAALI

ATMIS oo ka hadashay Dil ay ciidankooda Muqdisho ugu geysteen qof shacab ah

Taliska howlgalka kumeel-gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa War kasoo saaray dil Askari ka tirsan ciidankooda maalintii shalay oo jicmo aheyd ugu geystay wiil dhallinyaro ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ceel-gaabta.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in falka uu Askarigooda u geystay wiilka dhallinyarada ahaa ay qoomameynayaan, iyaga oo si kooban uga hadlay qaabka uu ku yimid dilka wiilka oo kamid ahaa dhalinyarada Derbi Jiifka ah.

ATMIS ayaa sheegtay in falka dilka uu yimid, kadib markii qof aan la aqoosan uu wax laga shakiyay ku tuuray gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan ATMIS, isla markaana uu isku dayay inuu fuulo gaari la socdeen ciidanka, sidaasina lagu toogtay wiilka.

“ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska howlgalka ATMIS.

Si kastaba, ATMIS ma sheegin wax talaabo ah oo laga qaadayo askariga dilkan geystay, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dhacday in ciidamo kuwooda ah oo dil geystay ay si nabad gelyo ah uga tageen goobta.

 

ATMIS oo ka hadashay Dil ay ciidankooda Muqdisho ugu geysteen qof shacab ah
To Top