Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Ujeedka wafdiga dowladda Federaalka ay u tegayaan Garoowe ayaa waxaa uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Munaasabadda xuska sannad-guurada aas’aaskii Puntland oo ku beegan 1-ka bisha Agoosto.
Sidoo kale, waxa maanta Garoowe imaanaya xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa maalinta berri ka dhaceysa Munaasabadda sannad-guurada aas-aaskii Maamulka Puntland ee 1-da Agoosto, isla markaana waxaa socda diyaar garoow ku aadan Munaasabadda dhaceysa.
