WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dab khasaaro geystay oo ka kacay Warshad ku taalla Puntland

Weli waxaa socda gurmad lagu deminayo dabkii saaka ka kacay xarunta Warshada Isbuunyada Tabaarak qeybteeda Magaalada Garoowe, kaas oo sababay khasaare hantiyeed oo badan.

Duqa degmada Garowe Axmed Barre oo ka warbixiyay khaasaaraha hantiyteed ee uu sababay dabku ayaa sheegay in ay gubteen qalabkii warshada, wixii ay soo saaraysa iyo saddex gaari oo ka mid ha gaadiidka warshada, wuxuuna intaas ku daray in ay weli jirto khatarta dababka.

Duqa Garowe wuxuu sheegay in uu dabku ka dhashay mid kamid ah matoorada warshada, xili la doonayay la kiciyo. Dabka ayaa weli ka holcaya qeyb kamid ah xarunta warshada, waxaana socda dadaal xoogan oo lagu demiyo.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Duqa Magaalada ayaa tilmaamay inay socdaan Gurmadyo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas oo ka kacay Warshadda Isbuunyada ee Tabaarak , ayna demintiisa ku howllan yihiin gaadiidka dab-demiska dowladda hoose iyo dadweyne farabadan.

SOMALI NEWS

To Top