WARARKA SOOMAALI

Israel oo Iiraan ku eedaysay Arrin CULUS, kadib weerarkii markab…

Israel ayaa ku eedaysay dowladda Iiraan inay ka dambaysay weerar lagu qaaday markab shidaal oo ay ku dhinteen laba shaqaale ah kuwaas oo ka soo kala jeeda dalalka Ingiriiska iyo Romania.Doonidan oo ay maamusho shirkadda fadhigeedu yahay magaalada London ee Zodiac Maritime, ayaa ka baxday xeebaha Cumaan markii shilku dhacay khamiistii.

Shirkaddan oo uu leeyahay milkiilaha maraakiibta Israa’iil Eyal Ofer, ayaa sheegtay in ay waddo baaritaan la xiriira sidii lagu oggaan lahaa wixii dhacay

Balse wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Yair Lapid ayaa Jimcihii shalay ku eedeeyay Iiraan argagixisnimo.

Dhacdadaan ayaa u muuqata mid si weyn kor ugu sii qaadeysa xiisadaha ka taagan gobolka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ku lug lahayd weerarka.Afhayeen u hadlay dowladda UK ayaa sheegay inay sidoo kale isku dayayaan inay “si deg deg ah u xaqiijinayaan sida wax u dhaceen.

SOMALI NEWS

To Top