WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee xilka sii-haya Xasan Xuseen Xaaji, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga Wasiir Xasan Xuusen ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Saraakiil ka tirsan Ciidan dowladda, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Saraakiil.

Ujeedka wafdiga Wasiirka gaashaandhiga ee Galmudug ayaa la xiriirta Qiimeynta xagga amniga Gobalka, furista Maxkamadda u gaar ah tashigeedii u dambeeyay iyo Dar-dar gelinta Howlaha Maxkamadda Ciidamada.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kulan ka qaatan doona Madaxweynah Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladad.

Sidoo kale waxaa ay kormeer ku tegi doonaan Xarumo Ciidan oo ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb iyo goobo kale, si ay uga kulmaadan Ciidamada halkaas ku sugan, iyagoo kala hadli doona Arrimo Ciidan.

SOMALI NEWS

To Top