WARARKA SOOMAALI

Sawir qaade lagu dilay Muqdisho iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo hubeysnaa Bastoolad ayaa barqanimadii Maanta waxaa ay qeyb kamid ah degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir ku dileen Wiil dhalinyaro ah, waxaana falkaas ka soo baxay faah faahino.

Dad goobjoogayaal ayaa ku warramay in Wiilka dhalinyarada ay toogteen rag hubeysan oo Bastoolad watay, iyagoona rasaas dhowr ah uga dhuftay qeybaha sare ee jirka, isagoona goobta ku geeriyooday.

Ragii ka dambeeyay dilka ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo ku sugnaa Isgoyska Howlwadaag, iyagoona qaaday Meydka wiilka la dilay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Marxuumka uu Sawir qaade u ahaa Taliyaha Ciidanka Astuubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Xasan Maxamed (Awalad Yare).

Taliyaha Ciidanka Astuubta dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay Sawir qaadihiisi, waxaana falka loo geystay Cabdulqaadir Xasan uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top