WARARKA SOOMAALI

Wadii qadii Rejadda-© W.Q: Ali M. Mohamud-Akhriso

Laascaanood (Horufadhi News)-Dhacdooyinka taariikheed ee bulshooyinka caalamka ku dhaqan soo mara waxaa jira kuwo raad iyo xasuus gaara ku leh maanka iyo maskaxdooda sida :- Farxada,Muruugada, Jacaylka, Colaada iwm.

Si kasta oo taariikhda qalin ka loogu qaato diiwaan kana loogu boobo hadana maaha dareenka ruuxiga ahi mid laga salgaadhi karo sidaas oo ay tahay dhacdo ba xasuusteed lehe bal maan maanta idiku jalbeebsho qisadan aan hubo inay daaqada idi ka tusi doonto safar meel dheer maraya iyo socoto sabaradii nugaal iyo qalcadihii Taleex,Eyl, iyo Aamin isaga talaabi doona dhulkii boqortooyadii balqiisna afka saari doona. Dhalan dhoolka duhurkii galab carowga cilcilowgii iyo guuraha habeen ayaanu labo lugoodinay ma sidano cuno nagu filan biyo aan jidiinka ku qoyno waxaas se nooma muuqdaane tolow wadiiqadan aanu haynaa ma tahay tii xeebta?

waanse kuuso sheeko dhaafaye aan dib kuugu celiyo qisada sheekada Nolloshayda “Alla maalmuhu qurux bad naayaa!! Deegaankuna cajiib sanaayaa !! waxaan ahaa gabadh dhabankeeda iyo koritaan keeda gabadhnimo illaahay isu dhanays tiray sidaa daraadeed baaba naanaysta magacay ga loogu daray ” Cawrala Mulaaxo” waxaan ka mid ahaa hablaha lagu kuunyo quruxda iyo hubqaadka iswada qoyska aan ka soo jeedo oo ahaa mid awooda xukunka iyo mida ciidan ba qayb ka ahaa ayaa iga dhigayay inaan mustaqbal ifaya hiigsado “Miyayse dunidu sidaa ahaanaysaa” “Maal muhu dhadhan macaanayaa haday sii waari lahaayeen” “Qadarku ma iibsanayaa aan iibsadee” Waxaanu deegaan ku ahayn sabarada nugaaleed iyo soonkii taleex qalcadii tilmaanayd iyo golihii darwiishka waxaanu na ahayn qays ilaahay maal iyo magac ba siiyay waxaanu ahayn qoys dharaaro farxadeed maalin ba mid baalka u roga walaaladay may badnayn oo waxaanu ahayn shan ruux saddex rag ah iyo labo dumara hooyaday dahabo waxay ahayd hooyo aad noo xanaanayn jirtay aabo ahay cilmi shire iyadoo dabeecada deegaanka ka jirtay ahayd mid uu aabuhu badanaa uusan wakhti gaara siin caruurtiisa hadana aabohay aad ayuu uga duwanaa raga kale waxaana jirtay wakhti uu anaga na ciyaar siin jiray aad baanu u jeclayn inaanu la joogno oo aanu la seexano mudada uu guriga usoo hoydo wakhtigiisa kala badh wuxuu ku qaadan jiray taleex mararka qaar na qalcadii “Eyl” ayuu u kicitimi jiray marar kale na ilaa balad wayne balse mar kasta waxaanu ahayn ilmo cilmi shire oo ah dhashii duub cada daraawiisheed oo waxaanu ku seexan jiray Nabad kuna soo toosi jiray waxay sidaa ahaato ba waanu koray oo qof waliba kaalin tii sii galay saddex ka mida walaaladay waxay u kicitimeen balad wayne halkaas oo xaas kale aabo ka samays tay aniga iyo walaalkay iga wayn waxaanu ku nagaanay nugaal. Maalmuhu sidii hore maaha aad ayaa loo baqaa waayo waxaa xoogays tay midabkii gumaysi ga ee koonfur iyo waqooyi galbeed sidoo kale saldanadii keenadiid ee Hobyo ayaa ciidan badan qoratay hub badan waxay ka heshay Talyaaniga sidaas oo ay tahay mar naba hiyigayagu ma ogolaan karayn inaanu rumay sano daraawiish baa lagu jabiyay dagaalo ka dhacay balad wayne iyo qalcadii “Aamin” ee baladwayne iyo wabigii shabeele. Waxayse taasi beenowday markii aanu ku waabariisanay hugunka diyaaraha iyo daryanka madaafiicda oo lagu badh tilmaad sanayo qalcadii taleex iyo ciidamo rakuubyo ah oo cagta mariyay wixii duqaynta ka bad baaday duqayntaasi waxay iiga dhigan tahay baal madow oo ku jira nolloshayda waxaa maal ma haas duqaynta ka horay say safar nagaga ambaxday hooyaday Dahabo magaalada taleex warkeeduna wuxuu nagu soo gaadhay markii danbe inay dadkii halkaa gaaladu ku laysay ay ka mid ahayd illaahay janadii haka waraabiyo’e. Halkaas aniga iyo walaalkay Cabdi waxaa nooga bilaab may safar aan xasuustay da waligii ka guurayn.

© W.Q: Ali M. Mohamud 20-May-2018 Laascaanood – Lasoco qayb kale

SOMALI NEWS

To Top