WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gudiga Dhismaha Masaajidka deegaanka Horufadhi oo gudoomay deeq Lacageed-Video

Buuhoodle (Horufadhi News)-Culimadda iyo waxgaradka Deegaanka Horufadhi ayaa gudoomay Lacag gaadhaysa 5020$ Doller taas oo loogu tala galay in lagaga qayb qaato dhismaha Masaajidka Deegaanka Horufadhi oo dhisme ku socdo.

Wariye Cali Dhagjar oo kamid ah Wariye yaasha Buuhoodle  oo lacagtu soo gaadhay gacantiisa ayaa ku wareejiyey odayaasha deegaanka lacagta si loogu sii anba qaado dhismaha Masaajidka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Gudiga Masaajidka Deegaanka Horufadhi oo intaas kadib Lacagta gudoomay ayaa warbaahinta la hadlay waxaa ay uga mahad celiyeen Dadka Muxsiniinta ah deeqda Lacageed ee kasoo gaadhay walalaha Qurbaha joogta ah ee Haweenka u badan.

 

SOMALI NEWS

To Top