WARARKA SOOMAALI

Waare oo xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD

Madaxweynihii hore dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magacaabista kuxigeenka xoghayaha IGAD ku tilmaamay guul diblomaasiyadeed oo ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

“Waa Guul kale oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatey dowladda Soomaaliya, magacaabistiisa ayaa waxay sare u qaadeysa sumcadda iyo maqaamka Soomaaliya ay ku leedahay gobolka iyo caalamka” ayuu yiri wasiir Daa’uud.

Ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD, Maxamed Abdi Waare ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay inuu ku biiro hoggaanka IGAD.

“Aad baan ugu faraxsanahay magacaabista, u ololaynta, iyo taageerada Xukuumaddayda si aan u gaadho xilkan sharafta leh. Anigoo hadda ka shaqeeya Gobolka oo dhan. Waxaan rajeynayaa inaan hogaamiyo koox ku dadaali doona inay wax ka bedelaan nolosha muwaadiniinteenna xagga Nabada iyo Amniga, Cimilada yaraynta, Gobolka,” ayuu yiri Waare.

Maxamed Cabdi Waare oo horay u soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, soona noqday Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee arrimaha xasilinta ayaa laga filayaa in wax wayn ku soo kordhiyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya dalalka ku bahoobay IGAD, isagoo ka hoos shaqeyn doono xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu.

Waare oo xil sare looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD
To Top