WARARKA SOOMAALI

Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland oo laashay muddo kororsiga Baarlamaanka

Maxkamada Dastuuriga ah ee dowlad Goboleedka Puntland oo burisay  Go’aankii  maalmo kahor Golaha wakiillada Maamulkaasi Puntland ay muddo kordhinta halka sanno aheyd ugu sameysteen.

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ayay ku laashay mudda kororsiga Baarlamanku samaystay, sida aan ka xaqiijinay xubno sare oo ka tirsan maxkamadda.

Maxkamada Dastuuriga ah ayaa sheegtay in si toos ah loo aado doorashada Baarlamanka iyo Madaxtooyada, inkastoo aysan Maxkamaddu sheegin inay kala dirin Baarlamanka Maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa maxkamadda sare u jeediyay codsi ku aaddan in lakala diro baarlamaanka Puntland, kuwaas oo maalmo ka hor muddo kororsi sannad ah sameystay.

Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland oo laashay muddo kororsiga Baarlamaanka
To Top