WARARKA SOOMAALI

Shir looga hadlayo Amniga Somalia oo Maanta ka furmaya Xarunta QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa maanta in uu Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobe ka furo Shirka Amniga Soomaaliya.

Waxaa madaxweynaha ku wehlinayo shirkan Wafdi ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, iyo Lataliyaha Amniga Qaranka, Mudane Xuseen Macalin.

25 wadan iyo dhowr hay’adood oo caalami ah ayaa lagu casuumay kulanka oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Lataliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin, oo faah-faahin ka bixiyey shirka ayaa yiri: “Waxaanu ogaanay baahiyaha dalka ka jira iyo dhaqaalaha ku filan in wax looga qabto, dalalka saaxiibada ahna waxa ay aqbaleen inay si degdeg ah uga soo jawaabaan baahiyahaas”.

Dhanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay u soo bandhigaan baahiyaha amni ee dalka ka jira, waxaana shacabka Soomaaliyeed ay ka dhursugayaan natiijada kulankaan ka soo bixi doonta.

Shir looga hadlayo Amniga Somalia oo Maanta ka furmaya Xarunta QM
To Top