WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil ka dhacay Somaliland

Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa Afar Ruux halka lix kale ay ku dhaawacmeen kadib shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa degmada Sallaxley iyo Banka Qool- cadey ee degaannada Somaliland.

Shilkan ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo kala ahaa Dhayne iyo Land cruiser sida uu Warbaahinta degaannada Somaliland ka howlgasha u xaqiijiyay Agaasimaha waaxda arrimaha Bulshada dawladda hoose ee degmada Sallaxley Khadar Gaas.

Ciidamo katirsan kuwa ilaalada Wadooyinka ee taraafikada loo yaqaano ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga goobta ka qaaday dhimashada Afarta Ruux iyo dhaawaca lixda kale.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Somaliland ku batay Shilalka Gaari, waxaana la filayaa in Ciidamada ilaalada waddooyinka ee taraafiada ay soo bandhigaan Sanadka cusub tirada Shilalka Gaari ee dhacay iyo dadka ku geeriyooday.

Wararkii ugu danbeeyay Dad ku dhintay Shil ka dhacay Somaliland
To Top