WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Dab baabi’iyay xaafad dhan oo ku taalla Muqdisho & Murugada…

Dab xoogga oo socday mudo ku dhow laba saacadood oo xiriir ah ayaa xalay fiidkii ka kacay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, dabkaasi oo markii hore ka bilowday guri ayaa kusii faafay goobo Ganacsi iyo guryo ku dhaganaa.

Dabka ayaa geystay khasaaro hantiyadeed oo baaxadle, isla markaana waxaa uu baabi’iyay guryo badan oo ay deganaayeen qoysas danyar ah oo u badan Barakacayaal, kuwaasi oo si gaar ah u deganaa halka loo yaqaano Siliga Ameerikaanka.

Qaar kamid dadka ku guryo belay dabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in dabka oo ahaa mid aad u xooggan oo gebi ahaan baabi’iyay dhowr guri iyo goobo Ganacsi oo isku dhowaa, waxaana halkaasi ku burburtay hanti.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

DAAWO: Dab baabi’iyay xaafad dhan oo ku taalla Muqdisho & Murugada…
To Top