WARARKA SOOMAALI

Rag dhallinyaro ah oo sabab yaab leh loogu dilay Galmudug

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Ilix ee dhaca koonfurta magaalada Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi dil loogu geystay laba wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag hubeysan ayaa la tilmaamay inay labada wiil ee dhallinyarada oo isla dhashay ay ugu tageen goob ay ku sugnaayeen ee deegaanka Ilix , isla markaana ay rasaas ooga uga qaadeen, iyagoona durbadii geeriyooday.

Allaha u naxariisteen marxuumiinta ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr Axmad Xasan Cismaan iyo Macalim Liibaan Xasan Cismaan, waxaana baxsaday raggii ka danbeeyay falkaasi khaarijinta ahaa ee loo geystay wiilasha dhallinyarada ahaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilkaan uu yahay mid salka ku haaya dilal aano qabiil oo hore uga dhacay deegaano hoostaga Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in labada Nin ee la dilay kala ahaayeen Macallin Dugsi Qur’aan iyo Dhakhtar Caafimaad.

Dhowr jeer oo horey ayaa sidaan oo kale waxaa deegaano kamid ah maamulka Galmudug uga dhacay dilal iyo weeraro la xiriiray aanooyin qabiil, waxaana sidoo kalena dhacay dagaal beeleedyo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Rag dhallinyaro ah oo sabab yaab leh loogu dilay Galmudug
To Top