WARARKA SOOMAALI

Abiy Ahmed oo ku dhawaaqay inay dhamaatay mudadii loo qabtay Kooxda Tigrey-ga-Video

Muqdisho (HM)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa ku dhawaaqay inay dhamaatay muddo saddex maalmood oo loo qabtay Maleeshiyada iyo ciidamada gaarka ah ee Tigreega inay isku soo dhiibaan Ciidamada Difaaca Qaranka ee Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Abiy Ahmed ayaa farriin afka Tigreega ku baxday saddex maalmood ka hor ayuu ugu baaqay Ciidamada sida gaarka u tababaran iyo maleeshiyada TPLF inay isku soo dhiibaan muddo 72 saacadood.

Waxaa uu u mahadceliyay dadkii ka faa’ideystay mudadaas ee isku soo dhiibay ciidanka, si ay u badbaadiyaan dadkooda.

Qoraal saaka bartiisa Facebook uu soo dhigay ayuu ku yiri “Waa dhamaatay mudadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF.

Milateriga Itoobiya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda howlgal weyn qaadaan, waxaana Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu ku gacan seyray baaqyo caalami ah, isagoo ku adkeysanaya in awood milateri ku maquuniyo TPLF.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top