WARARKA SOOMAALI

Dil xalay ka dhacay Magaalada Laascaanood.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay ka dhacay magaalada Laascaanood, kaasi oo  la sheegay inay Fuliyeen dabley aan Haybtooda la Aqoosan. Islamarkaana waxaa ku Naf waayey mid ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada degmada Laascaanood

oo lagu magacaabo C/Laahi Salaad oo kamid ahaa Garsooreyaasha Maxkamadda Laascaanood ayaa Waxaa dilkiisa Xaqiijiyey Masuuliyiin iyo Saxafiyiin ka howlgala gudaha magaalada Laascaanood.

Dilkan ayaa la sheegay inay gaysteen dad aan haybtooda la gatanayn iyadoo Marxuumka uu ku sii jeedey Hoyga uu ka degen yahay magaaalada Laascaanood, Allaah ha u naxariisto.

Magaalada Laascaanood Waxaa Horay Qarax iyo Dilal Qorshaysan Loogu dilay Masuuliyiin kala duwan, Mana jirto Cid loo Qabto dadkaasi, waxaana Xusid Mudan in Laascaanood ay tahay magaalada ay Ciidamada ugu badan ka Joogaan Somaliland, Marka loo eego magaalooyinka kale oo aan dilalka Qorshaysan ee Noocan ah ka dhicin.

SOMALI NEWS

To Top