WARARKA SOOMAALI

Usaama Bin Laadin oo Al-shabaab Qorshe halis ah la dajiyey ka hor dhimashadiisii,Warbixin Xasaasi ah….

Warbixinno xusub oo ay baahisay laanta dambi barista Mareykanka ee C.I.A ayaa lagu sheegay in hogaaamiyihii hore ee Al-Qaacidda Usmaama Bin Ladin uu jiheeyay AL-shabaab ka hor inta uusan ku dhiman Magaalada Abbottabad ee Dalka Pakistan.

Xog la xiriirta weerarradii Al-Qaacidda ka geysatay Nairobi ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen kuwii ugu qorshaha weynaa Caalamka oo dhan ee ay fulisay Al-Qaacidda,waxaana Warbixintan dambe ay ka xog badneynd Warbixintii hore ee ka koobneyd 470,oo Gal ama faayl.

Warbixinta dambe ayaa lagu sheegay  weerarrada iyo dadka ay dilaan al-shabaab in ay la wadaagi jireen Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacidda waxaana lagu ogaaday Dukumiintiyadii laga helay Gurigiisa oo ay ka mid ahaayeen warbixinnada iyo muuqaallada howlgallada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Weerarradii 7dii August ee 1998-dii lagu qaaday Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa  waxaa ku dhintay 213 Qof,waxaana weerarkaas qorshihiisa lahaa  hoggaamiyihii hore ee AL-Qaacidda Usama Bin Ladin,sida ay sheegtay C.I.A-da Mareykanka.

Sidoo kale weerarradii Darsalaam Tanzania ayaa iyana laga helay dukumiintiyada laga soo qaaday Gurigii uu Usama ka degganaa  Pakistaan,waxaana ay muujineysaa in dhamaan howlgallada Al-Qaacidda ee Caalamka uu agaasime ka ahaa Usama.

Dukumiintiyada la shaaciyay waxaa ka mid ah mid la xiriirta wiilashada Usama oo uu ugu horreeyo Xamza Bin laden oo hadda qaan gaar ah,lana filayo in uu beddelo Aabbahii,waxaa ka mid ah dukumiintiyada laga soo qaaday Guriga Usama xafladda Arooska Xamsa Bin laden iyo wiilka ka yar oo hadda ka mid ah saraakiisha sar sare ee AL-Qaacidda.

Muuqaal loo maleynayo in la qabtay 2008ddii ayaa lagu arkayaaa Wiilka Bin laden,Xamza oo aqrinaya gabay dhiirro gelin ah,kaas oo aabbihii ku dhiirro gelinaya in uu ahaado hoggaamiyaha shabakadda Al-qaacidda,Ciidamo bandanna ilaalinayaan,waxaa kale oo si maldahan loo arkayaa Usama oo tababaraya ilmo yar yar una dhiibay Qori Boombale ah oo tooganaya walax ku jira biyaha dhexdooda.

Dukumiintiyada  ayaa waxaa ka mid ahaa naceybka uu Mareykanka u hayay Usama iyo xogta weerarkii 2001dii ee ay ku dhinteen kumanaanka Qof ee ka dhacay Mareykanka

SOMALI NEWS

To Top