Dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo tabisay tiradii ugu badned ee dhimashada cudurka Corona Vurus Waxaana ay sheegtay in maanta ay geeriyoodeen 919 qof.
Dhanka kale, Spain waxay diiwaangelisay 769 dhimasho cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka in ay gaadhay 4,858 oo qof.
Dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalata Covid-19, oo ah xanuun ku dhaca neefmareenka uuna sababo feyraska Corona.
Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas, dalka Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka ugu badan kiisaska.
Wuxuu dalkaas lagu soo rogay banddow 21 maalmood ah si looga hortaggo cudurka Covid 19.
Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha