WARARKA SOOMAALI

Puntland oo karantiishay Shan qof oo Coronavirus looga Shakiyay.

Garoowe (HM)-Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay karantiileen Shan ruux oo looga Shakiyay in ay qabaan Cudurka Corona Virus.

Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in Shanta uu ka mid yahay hal ruux oo Ajnabi ah.

Waxaa uu sheegay in lagu arkay si buuxda Calaamadaha Cudurka Coronavirus.

Wasiirka ku xigeenka ayaa beeniyay in ay jiraan dad laga helay Cudurka Corona virus , islamarkaana waxaa uu sheegay in hadda jiraan kaliyah Shakiga Shanta qof ee gacanta lagu haayo.

Waxaa uu sheegay in dadkaasi la karantiilay oo la geeyay meel gaar ah oo loogu tala galay dadka uu haleelo Cudurka Corona virus.

 

SOMALI NEWS

To Top