WARARKA SOOMAALI

Tirada dhimashada cudurka Coronavirus ee Talyaaniga oo gaadhay toban kun oo ruux-Video

Muqdisho (HM)-Tirada dadka ugu geeriyooday cudurka Coronavirus gudaha dalka Talyaaniga ayaa ka sara martay toban kun oo ruux iyadoo 889 ruux ay maanta oo kaliya ay dhinteen.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in dadka uu soo ritey cudurkan gudaha dalka Talyaaniga ay gaareen 92,472 tan iyo markii cudurkan ka bilowday dalkaas bishii aynu ka soo gudubnay.

Dalka Spain ayaa heerka dhimashada cudurkan waxa ay gaartay 5,690 oo ruux iyadoo 24kii saac ee ugu dambeysay ay u dhinteen cudurkan dad gaaraya 832.

Dalka Maraykanka waxaa uu ka fikirayaa Madaxweyne Trump inuu la karantiilo dhammaan dadka ku nool magaalada New York muddo labo toddobaad ah.

Sidoo kale waxaa laga yaabaa in karantiilkan ay la wadaagaan magaalada New York qeybo ka mid ah New Jersey iyo Connecticut si loo joojiyo fidista cudurkan. Dad gaaraya 52,000 oo ruux ayuu cudurkan soo ritey magaalada New York oo kaliya sida uu sheegay guddoomiye Andrew Cuomo.

Guud ahaan tirada cudurkan uu soo ritey dalka Maraykanka ayaa gaartay 115,842 waxana ay ka badan tahay marka la isku wada daro dalalka Talyaaniga iyo Shiinaha.

Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga Fahrettin Koca ayaa sheegay in heerka dhimashada ee bukaanada uu ku dhacay Coronavirus ay gaatay 108 ruux halka tirada cudurkan qabtana ay gaartay 7,402 ruux.

Dalka Qadar ayaa qofkii ugu horeeyay uu u geeriyooday cudurkan iyadoo guud ahaan bukaanada qabtana ay gaarayaan 590 ruux sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka dalka Qadar.

Guud ahaan tirada uu soo ritey cudurkan Coronavirus ayaa gaartey 600,000, waxaana ka bogsaday bukaano gaaraya 131,000 balse waxaa cudurkan uu diley dad gaaraya 27,000.

WARARKA CUDURKA

SOMALI NEWS

To Top