WARARKA SOOMAALI

Tirada dadka Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Muqdisho oo korortay

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 127 xaaladood oo COVID-19 ah, taasoo ka dhigeysa tiradii ugu badneyd ee maalin qura dalka laga helo mudooyinkan.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada ayaa sidoo kale lagu sheegay in illaa 9 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurkaas, taasoo dhimashada guud ka dhigeysa 172 qof tan iyo markii cudurkan lagu arkay Somalia.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 126, halka kiiska haray laga helay Hirshabelle.

Bukaannda cusub 73 ka mid ah ayaa rag ah 54-na waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 5,500 Geeridu waxay mareysaa 52 , waxaana guud ahaan ka bogsooday 126 ruux.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur, oo caddeysay in cudurkaan oo dalka aad ugu fidayo, ay dhallinyaradu yihiin tirada ugu badan ee dadka uu soo ridanayo, waxeyna ugu baaqday dhallinyarada inay taxadar dheeraad ah sameeyaan oo ay cudurka ka ilaaliyaan qoysaskoodooda, naftooda iyo guud ahaan bulshada, si loo yareeyo faafitaankiisa iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo.

SOMALI NEWS

To Top