WARARKA SOOMAALI

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dalab hordhigay Ganacsatada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala hadlay ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda JFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada la iskula afgartay in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo dalka Soomaaliya uu siweyn ugu soo laba kacleeyay Cudurka halista ah ee COVID-19, waxaana DFS sheegtay in illaa 9 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurkaas, taasoo dhimashada guud ka dhigeysa 172 qof tan iyo markii cudurkan lagu arkay Somalia.

SOMALI NEWS

To Top