WARARKA SOOMAALI

Taliye Xijaar oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Gaas, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hawlgallada tayeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP) oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxa cusub ee Howgalka KAUKO AALTOMAA oo la soo magacaabay Sanadkan 2023, horayna uga soo shaqeeyay Boliiska iyo Wasaaradda Arrimha Gudaha Dalka Filand.

Kulanka ayaa looga hadlay, Horumarinta, tayeynta iyo dib u habeynta guud ahaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah loo tixraacayo hirgelinta Qorshaha kala-guurka Soomaaliya.

Xoojinta xariirka u dhexeeya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha Beesha Caalamka.

Taliye Xijaar oo Maanta kulan la qaatay Wafdi ka socday Midowga Yurub
To Top