WARARKA SOOMAALI

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay + sababta

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shaqaalaha Shirkadda Favori ee ka howlgalla Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay sameeyeen shaqo joojin, Kadib markii xuquuqdooda shaqaalanimo lagu tuntay.

Illo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Shaqaalaha shirkadan oo ah u tabbabaran xaqiijiinta amniga rakaabka safraya iyo kuwa soo dagaya ay waayeen Mushaarkoodii ay shaqeyateen, xili amniga garoonka uu yahay iminka mid faraha kasii baxaya.

Shaqaalahan ayey shirkadda Favori kula heshiisey in ay u shaqeeyaan 9-Saacadood maalinkii, haddii waqti dheeraad ahna ay sii shaqeeyaan, waxaa lagu ballamay in loo kordhin doono mushaarka. Balse ma aysan dhicin.

Muddo dhan afar Isbuuc, ayaa la sheegay in arrintaan ay ku jireen Hay’adaha Amniga garoonka mana jirto wali wax hirgelay oo xal ah, iyadoo hay’adaha howshaas xalka u raadinayey ay diidmo kala kulmeen Shirkadda Favori oo xaquuqda Shaqaalaha Soomaaliyeed ee garoonka duudsiinaysa.

Weli lama oga sida uu ku sii shaqeyn doona garoonka Aadan Cadde, iyo cida sugaysa oo xaqiijinaya amniga rakaabaka baxaya iyo kuwa imaanaya, maadama shaqaalihii amniga garoonka ay mushaar xumi shaqadii u joojiyeen.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay + sababta
To Top