WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO: Wasiiro ka tirsan Ukraine iyo Dad kale oo ku dhintay Shil Diyaaradeed

Diyaarad nooca Helicopter-ka ayaa Maanta ku burburtay Degmada Brovary ee Gobalka Kyiv ee dalka Ukraine. Shilkaasi ayaa waxaa ku geeriyootay 16 qof, halka ay 22 kalena ku dhaawacmeen oo lagu daaweynayo Isbitaalada.

Dadka la xaqiijiyey inay Shilkaasi ku geeriyoodeen waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Ku-xigeenkiisii Koowaad  iyo Xoghayaha dowladda .

Qoraal uu Taliyaha Boliska Qaranka Ukraine, Ihor Klymenko soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga warbixiyey khasaaraha ka dhashay Shilka iyo Burburka Diyaaradda Qumaatiga u kaca ee Helicopter.

Taliyaha ayaa waxa uu xusay inay Guud ahaan 16 qof oo 2 ka mid carruur ahaa ku geeriyoodeen Shilkaasi, halka ay 22 kale oo 10 carruur ahayd ku dhaawacmeen, laguna daaweynayo Isbitaalka.

Diyaaradda burburtay ayaa waxaa la socday 9 qof, waxayna ku dhacday meel ku dhow Dugsi lagu xanaaneeyo Carruurta (A Kindergarten school) iyo Dhismo la deganaa.

Kooxaha Gurmadka ayaa gaaray goobta ay Diyaaradda ku burburtay, waxaana laga yaabaa inay korodhay tirada Guud ee dadka ku dhintay Shilkaasi.

Waxaa la xaqiijiyey in 9-kii qof ee la socday at dhamaantooda ku naf waayeen Shilkaasi.

SAWIRRO: Wasiiro ka tirsan Ukraine iyo Dad kale oo ku dhintay Shil Diyaaradeed
To Top