WARARKA SOOMAALI

MW Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay MW Lafta-gareen & mucaaradkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Musharaxiinta mucaaradka.

War lagu baahiyay barta Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah, Madaxweynaha ayaa adkeeyay ahmiyadda Shirka Dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed u leeyahay Nabadda, Wadajirka iyo Horumarka deegaanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa oo ka hadlaayay kulanka ayaa waxaa uu Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo musharaxiinta mucaaradka xusuusiyay in ay Shacabku ka sugayaan natiijo wax-tar u leh mustaqbalkooda.

Kulanka waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti iyo Wasiirkii hore ee Dekadaha Xukuumadda Federaalka Yuusuf Macallin Aamiin (Baadiyo).

MW Xasan Sheekh oo kulan gaar ah la yeeshay MW Lafta-gareen & mucaaradkiisa
To Top