WARARKA SOOMAALI

Taliska ATMIS oo Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Soomaaliya

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa War kasoo saaray xorreeynta degmooyinka Ceeldheer, Xaradheere, Galcad iyo Xiindeere ee Gobolada Mudug iyo Galgaduud halkaas oo la wareegeen ciidamada xoogga dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ATMIS ayaa waxaa loogu hambalyeeyay ciidanka xoogga dalka ee la wareegay degmooyinkii Al-shabaab ay ku sugnaayeen sanno badan, ee ka tirsan Maamulka Galmudug, Al-shabaab ayaa la qabsaday magaalooyin muhiim u ahaa.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalkan Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Wuxuu intaas kusii daray in Al-shabaab laga adkaaday, isla markaana ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef.

Taliska ATMIS oo Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Soomaaliya
To Top