WARARKA SOOMAALI

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo Caaw ka badbaaday Qarax lala beegsaday

Taliyaha qeybta Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa salaadii maqrib ee Caawa ka badbaaday qarax lagu eegtay duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya qaraxa faah faahino dheeraad ah.

Qaraxaas oo ahaa miino lagu aasay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa kolonyo uu la socday Taliye Farxaan lagula beegsaday deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, xili uu Taliyaha halkaas socdaal ku marayeen, iyagoona kusoo jeeday Magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolkaan Banaadir Farxaan Qaroole ayaa ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha, waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo gaaray afar kamid ah ilaalada Taliyaha.

Dad ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Taliye Farxaan Qaroole uu aagga Ceelasha biyaha u tagay kiis la xiriiro Askar  ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir oo Caaw ka badbaaday Qarax lala beegsaday
To Top