WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Farmaajo oo Maanta qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha 10-aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii xalay uu ku dhawaaqay inuu mar kale yahay Musharax u taagan qabashada xilka.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay Madaxweyne Farmaajo, iyagoona siiyay shahaadada, isagoo soo buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay Musharaxiinta isa soo sharaxday, isagoona bixiyey lacagta diiwaan-gelinta oo dhan 40,000 kun oo dollar.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 10-aad ayaa maalintii labaad Muqdisho gaar ahaan Xarunta Aqalka Sare ka wada bixinta shahaadada Musharaxiinta xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka, taasi oo shalay Guddiga bilaabeen.

Guddiga doorashada ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 30 Musharax oo dooneysa inay u tartamaan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, isla markaana waxaa Guddiga ay Musharaxiinta siiyeen shahaadada Musharaxnimo ee xilka Madaxweynaha.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

 

DAAWO:-Farmaajo oo Maanta qaatay shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha
To Top