WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab

Howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Deegaanka Shurufle ee bariga Gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Faarax Cali Warsame oo Afgarashadiisu ahayd (Sigane), wuxuuna ahaa Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhammaan ka tirsan Bariga Gobolka Galguduud.

Sarkaalkan ayaa si dhuumaalaysi ah ku yimid deegaanka Shurufle sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Galmudug, waxaana howlgalkaas fuliyay Xubno ka tirsan sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan Cadakibir iyo Warshubo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan Al-shabaab, kadib markii la dilay Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa deegaanadaas.

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab
To Top