WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay wafdi ka socday Norway

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee dalka Soomaaliya Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka, sida lagu sheegay Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook ee Guddoonka Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa bogaadiyay doorka wakiilada Beesha Caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tan iyo markii la doortay waxaa kulamo kala duwan ka wadaan  magaalada Muqdisho, wuxuuna horey ula kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay doorashada Madaxweynaha…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay wafdi ka socday Norway
To Top