WARARKA SOOMAALI

Taliska PSF oo ka horyimid xilka qaadis uu Maanta sameeyay Madaxweyne Saciid Deni

Agaasimaha guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Siciid Deni oo wareegto soo saaray ayaa waxaa uu Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban.

“Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

Taliska PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan.

“Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”.

Taliska PSF oo ka horyimid xilka qaadis uu Maanta sameeyay Madaxweyne Saciid Deni
To Top