WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada oo baaritaan ku sameeynaya Cabashooyin la gaarsiiyey

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa shaaca ka qaaday inay si habsami leh u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka oo bilowday 1-da bishaan November 2021, lana doortay tobankii Xildhibaan ee ugu  horreeyay ee Golaha Shacabka.

War-saxaafadeed dheer oo kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu ku shaqeynayo hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen Madatasha Wadatashiga Qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada.

Guddiga ayaa si Cad Siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada ugu sheegay inay  wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doonaan, isla markaana aysan aqbali doonin doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga sida xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa.

Sidoo kale Guddiga doorashada ayaa tilmaamay inay soo gaareen cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda, iyagoona intaas kusii daray inay baaritaano ku sameynayaan dhammaan cabashooyinka soo gaaray.

Guddiga Doorashada oo baaritaan ku sameeynaya Cabashooyin la gaarsiiyey
To Top