WARARKA SOOMAALI

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Guddoomiye Maxamed Cirro?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah, xili doorashada marar kala duwan dib u dhac uu ku yimid, balse haatan ay socoto tan ugu muhiimsan doorashada ee ah Golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho iyo Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka socda doorashada Golaha Shacabka, iyadoo labada magaalo lagu doortay Xildhibaan cusub oo kamid noqonaya Baarlamaanka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muxuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala hadlay Guddoomiye Maxamed Cirro?
To Top