WARARKA SOOMAALI

Taliska Booliska oo ka hadlay Arrin Ciidanka NISA ka bilaabeen Muqdisho

Taliska Booliiska gobolka Banaadir ayaa beeniyay in laamaha ammaanka gobolka soo saareen go’aan amni oo lagu mamnuucayo xirashada indha-shareerka ,koofiyadaha iyo cimaamadaha dadku xirtaan.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in aysan jirin go’ aan kasoo baxay laamaha ammaanka oo lagu mamnuucayo xirashada indha-shareerka ,cimaanadaha iyo koofiyadaha, waxa uuna xusay in warkaasi yahay dacaayad cadawga faafinayaan.

“Majiro go’aan Amni oo lagu mamnuucayo ama wax lagu yeelayo calaamadaha Diimeed iyo kuwa dhaqan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Waa dicaayad cadawgu ka danbeeyo wararka la xiriira arintaas waana in aan lagu kadsoomin, ciidanka Amnigu waxa ay u taaganyihiin ilaalinta Diinta Sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray taliye Macalin Mahdi.

Taliyaha booliiska gobolka Banaadir ayaana ugu baaqay shacabka cidii la kulanta tacadi la xariira in laga dhigo indha-shareer ama koofiyado in ay lasoo xiriiraan booliiska iyaga oo soo wacaya numberkooda gaarka ah.

Ciidanka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka gaar ahaan kuwa dharcadka ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgal ay ndha-shareerka ,koofiyadaha iyo cimaamadaha ay uga furayaan ragga iyo dumarka saaran gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Taliska Booliska oo ka hadlay Arrin Ciidanka NISA ka bilaabeen Muqdisho
To Top