WARARKA SOOMAALI

Qaraxyada lala beegsanayo gaadiidka Shirkadda Hormuud oo sii kordhaya

Gaari kuwa shidaalka qaada ah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta lagu qarxiyey xaafada Waxarcade ee Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo uu sababay qaraxa laakiin waxaa gabi ahaanba gubtey oo basbeelay booyada iyo shidaalkii ay waday.

Waa qaraxii labaad ee lala beegsado gaari ay leedahay shirkadda Hormuud mudo ka yar 48 saacadood gudahood. Laba maalin ka hor ayey ahayd markii qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay Hormuud oo ka dhacay isla degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho uu sababay dhimashada shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda ku leedahay degmada Heliwaa, halka sidoo kale dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen hawl-wadeeno kale.

Qaraxyada lagu beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo aad usoo batay waayadaan ayaa ilaa iminka inta la xaqiijiyey sababay dhimashada laba ka mid ah shaqaalaha shirkadda, dhaawaca hawl-wadeeno kale iyo burbur xoogan oo hatiyadeed.

Ila iyo hada lama oga sababta iyo cida beegsaneysa shirkadda isgaarsiinta mana jirto cid ay laamaha amaanka ay dowlada usoo xireen weeraradaan arxandaradda ah.

Qaraxyada lala beegsanayo gaadiidka Shirkadda Hormuud oo sii kordhaya
To Top