WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Khasaaraha ka dhashay Madaafiic lagu Weeraray Villa Somalia

Faah faahino ayaa laga helayaa jugta tirro hoobiyeyaal ah oo waaberigii hore ee saaka laga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ku dhaca xaafad ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Mid kamid ah madaafiicda loo tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay guri kuyaalla xaafada Yuusuf Al Kowneyn ee degmada Boondheere ee magaala Muqdisho, waxaana halkaasi ku geeriyootay hooyo kamid aheyd dadka deegaanka.

Qaar kamid ah dad warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hooyada geeriyootay uu madfaca ku dhacay, xilli ay ka dhiday saligii ay salaada subax ku tukaday, isla markaana waxaa la sheegay in hooyada sidoo kale ay waday akhrinta tisbiixsi.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Lama oga madaafiicda kale ee lagu tuuray aaga madaxtooyada in ay gudaha ku dhaceen iyo in kale, waxa ayna madaafiicdan qalqal xoogan iyo cabsi galiyeen dadka degan aaga madaxtooyada Soomaaliya.

 

DAAWO: Khasaaraha ka dhashay Madaafiic lagu Weeraray Villa Somalia
To Top