WARARKA SOOMAALI

Maxkamada sare ee Puntland oo War kasoo saartay Go’aankii SSC-Khaatumo

Kadib markii Isimada iyo siyaasiyiinta SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu dhawaaqeen in aysan ka mid noqoneyn Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa sii kordhaya jahawareerka siyaasadeed ee ka dhashay arintaasi iyo siyaasiyiinta ka falcelineysa.

Qaar ka mid ah murashaxiinta mucaaradka ah ee Puntland ayaa wada jir war ay u soo saareen waxay ku sheeeen in hadalkii dhawaan ka soo yeeray isimada dhaqanka ee SSC- Khaatumo ay isxtiraamayaan, bale loo baahan yahay in heshiis loo dhanyahay laga gaaro soo xulista xildhibaannada SSC.

Sidoo kale maxkamada sare ee Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arintaan hadal heynta badan dhalisay.

Axmed Sheekh Cumar Xasan oo ah Guddoomiye kuxigeenka maxkamada sare ee Puntland ayaa sharci ahaan sheegay inay qalad tahay go’aanka isimada SSC Khaatumo.

Guddoomiye kuxigeenka maxkamadda sare ee Puntland ayaa soo jeediyay in Puntland doorasho u qabsato qaabkii hore ee loo qaban jira iyo in doorasho dib loo dhigo inta xal looga helayo go’aanka isimada Khaatumo.

Maxkamada sare ee Puntland oo War kasoo saartay Go’aankii SSC-Khaatumo
To Top